“Hadii Ay Real Madrid Lasoo Saxiixato Neymar Jr Waxay Guuleysan Doontaa Kulan Kasta”

(Real Madrid) 15 Maajo 2018. Waxaa wali sii soceneysa wararka ku aadan in Neymar uu ku biirayo kooxda Real Madrid ee dalka Spain xili ciyaareedka soo aadan.

Robinho oo horey u soo xirtay maaliyada kooxda Real Madrid ayaa sheegay in hadii ay Los Blancos lasoo saxiixato Neymar ay labada dhinacba ku guuleysan doonaan wax walba.

Xidigii hore kooxda Real Madrid oo ka hadlayay suuratagalnimada uu xidiga ay isku dalka kasoo wadajeedaan ku imaan karo kooxda Real Madrid wuxuuna yiri: “Haddii Real Madrid ay qandaraas la gasho Neymar, waxaa jiri doona awood ay ku badiso dhamaan kulamada ay ciyaareyso”.

“Ma jirto koox ka wanaagsan Real Madrid uu u ciyaari karo Neymar Jr, waxay fiicnaan karaan iyagoo aanan heysan isaga, laakiin hadii ay lasoo saxiixdaan, labada dhinacba way guuleysan doonaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close