DHACDO UGUB AH: Iniesta oo bad baaday balse waxaa dhaawacmay 18-Ruux oo ay Labo Caruur yihiin….(Sidee wax u dheceen???)

(Spain) 15 Maajo 2018. Dhacdo Ugub ah oo xanuun badan ayaa dhawaan ka dhacday dalka Spain iyadoo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 18- ruux oo ay labo caruur yihiin halka uu Kabtanka Barcelona Iniesta ka bad baaday Musiibadan.

Kubbad qaabeeyaha ka tagaya Barcelona marka uu dhammaado xagaagan ayaa wareysi siinayay TV laga leeyahay Spain waqtigii qadada mar uu soo Dumay derbiga qeyb ka mid ah halkii wareysiga lagu qaadayay ee Arena.

Ku dhawaad 50 ruux ayaa la sheegay inay wareysiga soo xaadireen, balse musiibadii dhacday ayaa waxaa ku dhaawacmay 18 ruux oo ay labo caruur yihiin balse waxaa la sheegay inaysan jirin wax dhaawac halis ah.

Marti galiyaha TV show Risto Mejide ayaa xaqiijiyay inaysan soo deyn doonin wixii dhacay oo ay duubeen iyagoo xushmad u muujinaya kuwii dhaawacmay.

SAWIRRO+MUUQAAL:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close