Chelsea oo Bartilmaameed ka Dhigatay Macalinka Tottenham

( England ) 15 Maajo 2018. Kooxda Chelsea ayaa la dareensan yahay in markaan uu bartilmaameed keeda yahay hogaamiyaha Tottenham Mauricio Pochettino isagoo noqon kara macalinkooda xagaaga dambe.

Pochettino ayaa aad kaga xun qorsha gudoonka kooxda Daniel Levy ee dhanka suuqa, waxaana laga yaabi karaa inuu arinkaas ka faa’ideyso milkiilaha Blues Roman Abramovich.

Antonio Conte, kasoo ku hogaamiyay Chelsea Premier League xagaagii lasoo dhaafay, ayaa la filayaa in la eryo kadib finaalka FA Cup oo ay wajihi doonan Manchester United axada soo aadan.

Inkastoo Chelsea ay ku guuldareysatay ka qeyb galka koobka Champions League xili cayaareedka dambe, waa mid shaki la’aana in waqti dheer ay ku hami weyneed Pochettino inuu qabto shaqada kooxda Stamford Bridge.

 Tottenham boss Mauricio Pochettino has emerged as a target for London rivals Chelsea

Macalinka Argentine ayaa wajahaya niyad jab weyn oo dhanka suuqaa sida uu cadeeyay kadib kulankii ay 5-4 kaga badiyeen kooxda Leicester.

Wuxuuna qiray inuusan cadeyn mustaqbalkiisa isagoo wadahadalo la gali doona asbuucan gudoomiyaha kooxda si uu kagala hadlo qorshada suuqa iyo dhanka mushaaraadka ciyaartoyda.

Waxaan loo maleyn karaa in arinkaas uu keeno is fahanwaa waana mida ay Chelsea hadda usoo bandhigtay xiisaheeda macalinka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close