Barcelona Oo U Safartay Madaalada Johannesburg Ee Dalka Koonfur Africa & Xidigaha Liiskan Kusoo Boxay

(Barcelona) 15 Maajo 2018. Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee ciyaartoyda u duushay caasimadda South Africa ee Johannesburg.

Barcelona ayaa u duushay magaalada Johannesburg si ay u ciyaaraan kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan kooxda Mamelodi Sundowns.

Ernesto Valverde ayaa ugu yeeray Liiskan dhowr ciyaartoy oo ka mid ah ciyaartoyda kooxda Barcelona B si ay u buuxiyaan boosaska ay ka maqan yihiin Samuel Umtiti iyo Thomas Vermaelen.

Hadaba Liiska Ciyaartoyda Kooxda Barcelona Ee Duushay Caasimadda South Africa Ee Johannesburg:

Goolhaaye: Ter Stegen, Cillessen.

Difaacyada: Nelson Semedo, Sergi Roberto, Gerard Pique, Yerry Mina, Lucas Digne, Jordi Alba.

Khadka dhexe: Sergio Busquets, Ivan Rakitic, Paulinho, André Gomes, Andres Iniesta, Denis Suárez, Philippe Coutinho, Ousmane Dembélé, Alená, R de Galarreta. J Cuenca.

Weerarka: Luis Suarez, Lionel Messi iyo Paco Alcácer.

Barcelona ayaa dhinaca kale isku diyaarineysa kulanka ay Axada kula ciyaari doonto horyaalka La Liga ee dalka Spain kooxda Real Sociedad, kaasoo ka tirsan kulamada 38-aad ee lagu soo xiri doono La Liga xili ciyaareedkan .

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close