Arrigo Sacchi: “Juventus Uu Hogaaminayo Massimiliano Allegri Ma Gaari Karto Guulihii Ay Gaartay AC Milan”

(AC Milan) 15 Maajo 2018. Tababara halyayga ah ee reer Talyaani Arrigo Sacchi ayaa wuxuu amaanay shaqada adag ay haatan qabaneyso kooxda Juventus uu hogaaminayo Massimiliano Allegri.

Laakiin Arrigo Sacchi ayaa wuxuu u arkaa in kooxda uu hogaamiyo Massimiliano Allegri aysan kaga guuleysan Karin koobab tartamada qaarada yurub, marka loo fiiriyo qaab ciyaareedkooda.

Sacchi ayaa ugu horeyn yiri: “Juventus waxay ciyaareysaa qaab ciyaareed ku saleeysan kubada cagta dalka talyaaniga, sidaas darteed suuragal ma noqoneyso in hoos loo dhigo, laakiin ma ahan sida saxda ah ee looga guuleysan karo yurub”.

“Milan ma ahayn mid layska indhi tiri karo qaab ciyaareedkeeda, waan ku raaxeysan jirnay, halka aan dhibaato kala kulmi lahayn kooxda naga soo hor jeeda”.

“Xili ciyaareedkan horyaalka aad ayuu u fiincaa, waxaana jiray afar ama shan kooxood oo doonayay inay isbedelaan, Sampdoria, Atlanta iyo Benevento, Roma waxay lahaayeen  geesinimo iyo fikrado,

“Sidoo Kale Napoli waxay la timid qaab ciyaareed cajiib ah, qaab ciyaareedka wanaagsan waxay kugu hogaamineysaa guul iyo dabcan hadii aad heysto ciyaaryahan sida Gonzalo Higuain”.

Si kastaba Juventus ayaa markale xili ciyaareedkan loo caleemo saaray ku guuleysiga horyaalka Serie A ee dalka talyaaniga markii 7-aad ee xiriir ah, ahna markii 4-aad uu kula guuleysto tababare Massimiliano Allegri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close