Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Markale Mustaqbalka Keylor Navas Ee Kooxda Real Madrid

(Real Madrid) 14 Maajo 2018. Wargeyska “Don Balon” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in tababare Zinedine Zidane uu ka hadlay mustaqbalka  Keylor Navas ee kooxda Real Madrid.

Keylor Navas ayaa lala xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqi doono Real Madrid dhamaadka xili ciyaareedkan, maadaama ay saraakiisha kooxda lala xiriirinayo lasoo saxiixashada goolhaaye cusub.

Florentino Perez ayaa doonaya inuu ka fasaxo Keylor Navas garoonka Santiago Bernabeu, maadaama uusan ku qancin qaab ciyaareedkiisa xili ciyaareedkan.

Hogaamiyaha Los Blancos Florentino Perez ayaa wuxuu doonayaa lasoo saxiixashda shabaq ilaaliyaha kooxda Man United ee  David de Gea si uu kaga dhigto badalka Keylor Navas.

Laakiin Wargeyska “Don Balon” ayaa wuxuu sheegay in Zinedine Zidane uu go’aansaday in Keylor Navas uu kusii sugnaado Santiago Bernabeu, maadaama uu kulamadii lasoo dhaafay sameeyay qaab ciyaareed cajiib ah.

Zidane ayaa lagu soo waramayaa in Florentino Perez uu kala hadlay mustaqbalka Navas ee kooxda Real Madrid xili ciyaareedka soo aadan, wuxuuna ku war galiyay inay wanaagsanaan lahayd in lasii aamino ninka reer Costa Rican, halka laga sameyn lahaa saxiixa goolhaaye cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close