Xulkeena Soomaaliya Oo Wadadii Guusha Cagta Saaray Iyo Qaranka Kubadda Gacanta Oo Guul Ka Gaaray Burundi

(Soomaaliya) 14 Maajo 2018. Xulka qarankeena kubadda gacanta oo ka kooban laba qayb ayaa kullamo xiisa badan galabta la ciyaaray  xulalka Burundi iyo Uganda.

Dalkeena ayaa ka qayb galaya  Tartanka Africa Zone 5 Handball Challenge Trophy .

Ka qayb qaadashada tartankaan ayaa Soomaaliya waxa ay billaawday 2009-kii sida uu inoo sheegay guddoomiyaha xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow.

Ciyaaryahano laga soo xulay kooxaha Heegan,Horseed,Dekedda,Singjet, Feero iyo kooxa kale a ayaa matalaya xulkeena.

Xulka da’doodu ay ka yartahay 17-ka ayaa kullan xiiso badan wajahay  Uganda,waxaana wiilasheena loogu badiyay si dirqi ah.

Kullanka ayaa ku soo dhamaaday 22 oo ay keensadeen Uganda iyo 12 oo ay wiilasheena la yimaadeen.

Dhanka kale  xulka 20 sanno jirada  ee qarankeena ayaa guul ka gaaray wadanka Burundi.

Xulka Burundi ayaa soo xaadiri waayay kullanka waxaana dhibcaha la siiyay xulkeena.

Sida sharciga ah haddii labad koox mid soo xaadiri wayso waxaa Natiijada ciyaarta la xisaabiyaa 8-0.

Sikastaba qarankeena ayaa bari lix saac la ballansan Uganda, halka xiddigaha  da’doodu ka hoosayso 17-ka sanno ay la coyaari doonaan Sudan.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close