Tottenham Hotspur Oo Heshiis Cusub Oo Waqti Dheer Ka Saxiixatay Xidig Ka Tirsan Safka Kooxdeeda.

(Tottenham) 14 Maajo 2018. Tottenham Hotspur ayaa si rasmi ah maanta ugu shaacisay shabakadeeda rasmiga ah in ay heshiiska u kor dhisay laacibkeeda Kyle Walker-Peters, kaasoo gaaraya ilaa iyo sanada 2021.

Kyle Walker-Peters ayaa wuxuu kasoo muuqday safka kooxda Tottenham Hotspur tan iyo bishii August 2017, taasoo ka dhigtay in xili ciyaareedkan uu safka Spurs-ka kaga soo muuqday ilaa iyo 9 kulan wuxuuna u dhaliyay 1 gool.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa inuu amar in heshiiska Kyle Walker-Peters ee kooxda Tottenham Hotspur lagu daro mudo sanad kale, kadib markii uu saxiixay xili ciyaareedkii hore saxiixay heshiis gaarsiisan ilaa iyo  2020.

Tottenham Hotspur ayaa u soo baxday UEFA Champions League xili ciyaareedka soo aadan, kadib markii ay dhanka kala sareynta horyaalka Premier League kaga dhameysatay booska kaalinta saddexaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close