Sir la helay: Maamulka PSG oo tababare Thomas Tuchel u sheegay warkaan wayn

(Paris) 14 Maajo 2018 PSG ayaa si rasmi ah tababare ugu magacaawday Thomas Tuchel oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Borussia Dortmund.

Thomas Tuchel ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah ula kulmay Neymar si uu uga la hadlo mustaqbalkiisa kooxda.

Image result for Thomas Tuchel Neymar

Waxaana la ogaaday in maamulka PSG ay u balan qaadeen tababare Thomas Tuchel in Neymar uusan meelna uga socon kooxda reer France suuqa xaggaagan.

Neymar iyo Thomas Tuchel ayaa xalay kulan qarsoodi ah ku yeeshay caasimada Faransiiska ee Paris, labada dhinac ayaana isla gaaray is afgarad dhamaystiran.

Warkaan ayaa ka nixinaya Real Madrid oo doonaysay inay dhamaystirto saxiixa Neymar marka uu dhamaado koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close