SAWIRRO: Mohamed Salah oo meel sare ku jira & Cristiano Ronaldo oo ka soo muuqday kaalin aan laga filayn qiimeynta 20-ka laacib ee ugu wanaagsan Yurub

(Yurub) 14 Maajo 2018. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona iyo xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa hoggaaminaya qiimeynta 20-ka laacib ee ugu wanaagsan qaaradda Yurub.

Xiddiga shidan ee ka xamaasha horyaalka Premier league kana tirsan kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa boos wanaagsan ka soo galay qiimeyntan, laakiin dhaliyaha kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku jira kaalinta 16-aad qiimeynta 20-ka laacib ee ugu wanaagsan Yurub.

Mohamed Salah inkastoo laga waayey shanta sare ee qiimeyntan, haddana waxa uu fadhiyaa kaalinta lixaad, balse waxaa gabi ahaanba ka maqan qiimeyntan laacibka lacagaha badan ugu fadhiya kooxda PSG ee Neymar Jr.

CIES Football Observatory oo aad ugu guur gasha arrimaha kubbada cagta ayaa soo saartay qiimeyntan, iyadoo u cuskanaysa ciyaartoyda iyo daqiiqadaha ay ciyaareen oo ah 1,800 daqiiqo oo kubadda cagta (1,440 oo Germany ah) ama 20 kulan oo ay ciyaareen.

Sidoo kale waxaa la fiirinayaa wax-qabadkooda fiican iyo heerkooda fulin howleed, waxaana ay qiimeyntu ka bilaabanaysaa 100%.

FG: Neymar waxa uu kaliya ciyaaray 1,797 daqiiqo oo uu horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan u dheelay PSG, sidaas darteed waa uu seegay qiimeyntan oo laguma soo darin.

Haddaba halkaan hoose ka eeg qiimeynta 20-ka ciyaaryahan ee ugu watarka wanaagsan Yurub, kooxaha ay ka tirsan yihiin iyo dhibcaha ay la yimaadeen:-

#20 Ivan Rakitic | Barcelona | Rating: 88.18 dhibcood

#19 Raul Albiol | Napoli | 88.46 dhibcood

#18 Marek Hamsik | Napoli | 88.53 dhibcood

#17 Lorenzo Insigne | Napoli | 88.58 dhibcood

#16 Cristiano Ronaldo | Real Madrid | 88.58 dhibcood

#15 Miralem Pjanic | Juventus | 88.67 dhibcood

#14 Jorginho | Napoli | 88.74 dhibcood

#13 James Rodriguez | Bayern Munich | 88.97 dhibcood

#12 Harry Kane | Tottenham | 89.02 dhibcood

#11 Kalidou Koulibaly | Napoli | 89.17 dhibcood

#10 Robert Lewandowski | Bayern Munich | 89.61 dhibcood

#9 Raheem Sterling | Manchester City | 89.76 dhibcood

#8 Kevin De Bruyne | Manchester City | 90.14 dhibcood

#7 Fernandinho | Manchester City | 90.45 dhibcood

#6 Mohamed Salah | Liverpool | 90.45 dhibcood

#5 Nicolas Otamendi | Manchester City | 90.47 dhibcood

#4 Sergio Aguero | Manchester City | 90.48 dhibcood

#3 Paulo Dybala | Juventus | 91.37 dhibcood

#2 David Silva | Manchester City | 91.69 dhibcood

#1 Lionel Messi | Barcelona | 92.12 dhibcood

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close