RASMI: Xiriirka Kubadda Cagta Ee Talyaaniga Oo Goor Dhow Ku Dhawaaqay In Roberto Mancini Uu Noqonayo Macalinka Cusub Ee Xulka Italy.

(Italy) 14 Maajo 2018 Xiriirka kubadda cagta ee Talyaaniga ayaa si rasmi ah ku dhawaaqay u magacaabista Roberto Mancini macalinka cusub ee xulka qaranka Talyaaniga.

Xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayaa goor dhow ku sheegay war rasmi ah uu soo dhigay website-kiisa. Taasoo lagu cadeenayo in Roberto Mancini uu yahay macalinka cusub ee xulka qaranka Talyaaniga.

“Roberto Mancini waxaa si rasmi ah, loogu soo bandhigi doonaa bari oo Talaado ah,a xarunta xiriirka kubada cagta ee Talaadada”.

Mancini ayaa bedeli doona Gen Piero Ventura, kaasoo la ceyriyay bishii November ka dib markii Italy ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo Koobka Adduunka ee Russia bisha soo socota ka furmi doona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close