Manchester City oo la ogaaday xiddiga ay ka dhiganayso saxiixeeda koowaad marka uu furmo suuqa xagaaga – Waa kee?

(Manchester) 14 Maajo 2018. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay saxiixeeda koowaad ka dhiganayso xiddiga naadiga Napoli ee Jorginho marka uu furmo suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga.

Sida ay warinayso Shabakadda ciyaaraha ee Sky Sports News xiddiga xulka qaranka Talyaaniga ayaa qiimo ahaan ugu kici kara Sky Blues lacag lagu qiyaasay 53 milyan oo giniga istarliinka ah.

26-sano jirkaan, kaasoo lix kulan u saftay xulka qaranka Talyaaniga ayaa sheegay ayaa la sheegayaa inuu ku sii jeedo kooxda Man City oo doonaysa inay ka dhigato saxiixeeda koowaad ee xagaaga.

Dhowr kooxood oo ka dhisan horyaalka Premier league oo ay ku jiraan kooxaha Tottenham Hotspur iyo Manchester United aya sidoo kale la sheegay inay doonayaan Jorginho.

Kooxda Napoli ayaa xiddigan khadka dhexe ee Jorginho kala soo saxiixatay naadiga reer Talyaani ee Verona sanadkii 2014-kii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close