Liverpool oo Caqabad Kale Wajaheysa Ka hor Finaalka Champions League

( England) 14 Maajo 2018. Liverpool qadkeeda dhexe Jamees Milner ayaa seegay cayaartii kooxdiisa ay 4-0 kaga badisay kooxda Brighton wuxuuna qabaa dhaawac muruqaha iyadoona shaki laga galinayo finaalka Champions League oo ay Real Madrid wajihi doonaan 26 bishaan.

Milner oo 32 jira ayaa tababaran dhamaan asbuucan isagoona loogu yeerin cayaartii u dambeysay xili cayaaredkan Premier League.

Sida laga xigtay Jürgen Klopp, macalinka Liverpool, waa dhaawac yar waxaana rumeysanahay inuu taam noqonayo kulanka Kiev. ” Ma uusan tababaran todobaadkan, laakiin waxaa filaneynaa inuu kabsado diyaarna noqdo finaalka “, ayuu yiri.

Liverpool ayaa horey ugu weysay dhaawacyo xiddigo dhawra waxaana ka maqan safkooda Joe Gomez, Joel Matip, Emre Can iyo Alex Oxlade-Chamberlain kuwasoo ka maqnaanya Finaalka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close