Juventus oo hoggaaminaysa kooxaha ugu horyaal qaadista badan horyaalladda ugu caansan Yurub… (Eeg liiska sida loo kala sarreeyo)

(Yurub) 14 Maajo 2018. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa xalay noqotay kooxda ugu horyaal qaadista badan shanta horyaalka ee ugu caasan qaaradda Yurub.

Juve waxa ay xalay qaaday horyaalka Serie A markeedii 7-aad oo xiriir ah, waxayna taasi ka dhigan tahay inuu ahaa horyaalkeedii 34-aad oo ay hanato sida u diiwaan gashan, iyadoo aan xisaabta lagu dareynin labadii horyaal ee laga laga xayuubiyey ee fadeexaddii Calcio Polli.

Waxa ay Juventus sidaas ku noqotay kooxda ugu horyaal qaadista badan iyadoo ka sare martay Real Madrid oo ay wadaageen min 33-goor qaadista horyaallada, marka la eego kooxaha ka ciyaara shanta horyaal ee ugu caasan Yurub.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kooxaha ugu horyaal qaadista badan ama horyallada ugu badan ku guuleystay shanta horyaal ee ugu caasan Yurub:-

Horyaalka Serie A – Juventus waxa ay  qaaday 34-jeer

Horyaalka La Liga – Real Madrid waxa ay qaaday 33- jeer

Horyaalka Bundesliga – Bayern Munich waxa ay qaaday 28-jeer

Horyaalka La Liga – Barcelona waxa ay qaaday 25- jeer

Horyaalka Premier League – Man United waxa ay qaaday 20-jeer

FG: Waxa aan ka hadlaynaa waa inta jeer ee ay kooxdu haysato horyaalka laga dhigo dalkeeda, haatan magaca la yiraahdo iyo kii horay loo dhihi jiray isku dar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close