DEG DEG: PSG oo shaacisay tababareheeda cusub

(Paris) 14 Maajo 2018 Kooxda PSG ayaa goor dhaw shaaca ka qaaday tababareheeda cusub ee badali doona Unai Emery kaas oo ka tagi doona kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Sidii la filayay kooxda ayaa shaacisay in Thomas Tuchel uu yahay tababaraheeda cusub, wuxuuna qalinka ugu duugay heshiis labo sano ah.

“Waxaa farxad noo ah inaan Thomas Tuchel u magacaawno tababaraha kooxda koowaad, tababaraha reer Jarmal wuxuu u saxiixay kooxda horyaalka France heshiis 2-sano ah” ayaa lagu yiri war ka soo baxay PSG.

Warar aan si hoose u helnay ayaa sheegaya inuusan jiri doonin shir jaraa’id oo uu qabanayo Thomas Tuchel dhawaan taan maadaama uu mashquul ku yahay barashada luuqada Faransiiska.

Thomas Tuchel ayaa luuqada ka baranaya mackad lagu barto luuqada Faransiiska oo ku yaala dalka Belgium.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close