Antonio Conte Oo Iska Diiday Inuu Dusha Saarto Mas’uuliyada Xilli Ciyaareedkii Foosha Xumaa Ee Kooxda Chelsea

(Chelsea) 14 Maajo 2018. Antonio Conte ayaa la hadlay saxaafada kadib markii ay kooxdiisa ay ku guuldareesatay in ay u soo gudubto tartanka Champions League xili ciyareedka soo aadan, kadib markii ay horyaalka Premier League kaga dhameysteen booska kaalinta 5-aad.

Macalinka reer talyaani iyo wiilashiisa ayaa kala kulmay guuldaro xanuun badan kooxda Newcastle, kulanoodii ugu dambeeyay horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan 2017/2018, si ay u hubiyaan inaysan u gudbin Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Conte ayaa wuxuu ku hor diiday saxaafada in mas’uuliyada dhibaatada xili ciyaareedkan ku dhacday kooxda Blues uu dusha saarto wuxuuna si cad u sheegay, in mas’uuliyada xaalada ay haatan ku sugan tahay Chelsea uu qaadanayo maamulka kooxda reer London uu hogaaminayo milkiilaha kooxda ee Roman Abramovich.

Antonio Conte oo wax laga weydiiyay in Chelsea ay ku guuldareesatay u soo bixitaanka Champions League ayaa wuxuu yiri isagoo aad u xanaaqsan: “Anigu waxaan ahay qofka ugu dambeeya ay waajib tahay in su’aashaas wax laga weydiiyo, tag oo weydii maamulka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close