Antoine Griezmann oo niyad jabiyay kooxdiisa Atletico Madrid (Muxuu sameeyay?)

(Madrid) 14 Maajo 2018 Weerar yahanka reer France ee Antoine Griezmann ayaa niyad jabiyay kooxdiisa Atletico Madrid oo dadaal ugu jirtay inay sii ceshato.

Xiddigaan ayaa heshiis afka ah la gaaray kooxda Barcelona suuqii Janaayo, laakiin xaqiijinta rabitaankiisa waxaa hortaagan kooxdiisa Atletico Madrid.

Idaacada Cadena Cope ayaa daaha ka qaaday in Antoine Griezmann uu iska diiday heshiis cusub oo ay soo hordhigtay kooxdiisa isbuucaan kaas oo uu ku qaadanayo mushaar dhan 20 milyan oo euro sanadkii.

Maamulka Atletico ayaa isku dayay inay ka dhigaan Antoine Griezmann mid kamid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan La Liga kadib Messi iyo Ronaldo laakiin laacibka ayaa diiday si uu ugu biiro Barcelona.

Maamulka ayaana u muuqda mid ka cararaya in lagu eedeeyo inay iyagu masuul ka ahaayeen iibka Griezmann haddii uu ku biiro Barcelona xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close