WARBIXIN: Kooxaha usoo Baxay Champions League kuwa ciyaaraya Europe league iyo Naadiyada ka haray Horyaalka Premier League.

( Premier League ) 13 Maajo 2018. Sanad ciyaareedka horyaalka Premier league ayaa soo gabagaboobay xili ay horyaalka ku guuleystay kooxda Manchester City oo 100 dhibcood u qaaday horyaalka.

Habada kal cayaareedkan 2017-18 oo soo idlaaday yaa u matali doona England koobka Champions League xagaaga soo aadan.

Afarta kaalin sare ee horyaalka  waxa ku kala dhameystay labada koox ee Manchester City iyo United, oo ay wehliyaan Tottenham iyo Liverpool taasoo ka dhigan in kooxahan ay sanadka dambe ay ciyaari doonan koobka Champions League.

Dhamaan afarta kooxaha ayaa si toosa uga qeyb gali doona tartanka oo ma jirto wax isreeb-reeb ah oo ay mareyso kooxda kaalinta afaraad

Labada kooxood ee Chelsea iyo Arsenal ayaa awood u yeelan waayay in ay ku dhameystaan xagaagan afarta kaalin sare balse waxa ay ciyaari doonaan koobka Europe League.

Halka kooxda Burnley oo ku dhameysatay kaalinta todobaad ay soo mari doonto isreeb-reeb koobka Europe League maadama ay ku dhameystay kaalinta bux baxda.

Horyaalka waxaa fasal cayaaredkan u laabtay heerka labaad kooxaha Swansea City, West Brom iyo Stock City kuwasoo mudooyin dheer kamid ahaa Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close