Rikoorada laga Diiwaan galiyay Maalinta u dambeysa kulamada Horyaalka Premier League.

( Premier League) 13 Maajo 2018. Kal cayaareedka horyaalka Premier League 2017-18 ayaa soo dhamaaday, iyadoo ay horyaalka ku guuleystay kooxda Manchester city markeedii seddaxaad.

Kulamadii 38-aad ayaa usoo idlaaday waxaana laga diiwaan galiyay rikooro cajiib ah.

  • Man City ayaa badisay 32 ciyaar kulamadeeda xagaaga 2017-18 – waa guushii ugu badneed oo ay koox ka sameyso hal xili cayaareed horyaalka.
  • Waa markii ugu horeysay xirfadiisa uu 100 dhibcood ku qaado hal horyaalka Pep Guardiola iyo City oo noqotay naadigii ugu horeyay ee 100 dhibcood ku hanta horyaalka Premier League.
  • Tani waa markii ugu horeysay oo horyaalka Premier League ay laba cayaariyahan ka dhaliyaan 30 gool waana Salah iyo Kane tan iyo  1993-94  oo ay Andy Cole 34 gool , Alan Shearer 31 gool ay gaareen goolasha Sodonleyda.
  • Marko Arnautovic ayaa dhaliyay 11 gool xili cayaareedkan horyaalka Premier League waa xiddigii ugu badnaa ee hal xagaa goolashaas u dhaliyaa kooxda West Ham tan iyo Bobby Zamora kal cayeerkii 2006-07 oo dhaliyay 11 gool.
  • Mohamed Salah waa cayaariyankii u horeyay ee Liverpool ah kasoo ay laba jibaarmeen goolashiisa iyo caawintiisa tan iyo labada cayaaryahan ee Luis Suarez (31 gool & 12 caawin) iyo Steven Gerrard (13 gool & 13 caawin) 2013-14, Salah 32 gool iyo 10 caawin.
  • Peter Crouch goolkii madaxa ahaa uu dhaliyay waa goolkii 1000 (kumaad) ee xagaagn ka dhasha horyaalka Premier League.
  • Mo Salah ayaa gool ka dhaliyay 16 kooxda xagaagan horyaalka Premier League; majiro cayaariyan ebid goolashaad hal xili cayaareed ka dhaliyay horyaalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close