RASMI: Laacibka kooxda Man City ee Kevin De Bruyne oo ku guuleystay abaal-marintii ugu horreysay ee…

(England) 13 Maajo 2018. Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City, Kevin De Bruyne ayaa ku guuleystay xilli ciyaareedkan abaal-marintii ugu horreysay ee Playmaker Award, taasoo dhawaan laga hirgeliyey horyaalka Premier League.

Abaal-marintan cusub oo ay abuureen Premier League xilli ciyaareedkan ayaa waxaa la siin doonaa ciyaaryahanka ugu caawinta badan horyaalka Ingiriiska ama xilli ciyaareed kasta caawinta ugu badan ka sameeya Premier League.

Xiddiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaana ku guuleystay abaal-marintan oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee qaata abaal-marinta xiddiga ugu caawinta badan Premier League, kaddib markii uu xilli ciyaareedkan 2017-18 horyaalka Ingiriiska ka sameeyey 16 caawin.

Waa markii ugu horreysay taariikhda abaal-marintan la bixiyey xilli ciyaareedkan, waxaana gacanta ku dhigay De Bruyne.

Kevin De Bruyne ayaa abaal-marintan la hirgeliyey ee la siiyo  kubbad qaabeeyaha ugu fiican xilli ciyaareed kasta ama caawinta ugu badan ka sameeya Premier league ayaa waxa uu ku garaacay Leroy Sané.

Sané ayaa hal gool caawin oo qura looga qaaday xilli ciyaareedkan abaal-marintan maadaama uu isaga qudhiisu xilli ciyaareedkan 2017-18 horyaalka Premier League ka sameeyey 15 gool caawin.

Dhammaan xiddigaha ugu caawinta badanaa xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League waxa ay ka tirsan yihiin kooxda horyaalka ku guuleysatay ee Man City, marwalbana waa la filayey in xiddig ka tirsan kooxdaas uu qaadan doono abaal-marinta.

Xiddigaha ugu caawinta badanaa xilli ciyaareedkan 2017-18 horyaalka Premier League:-

Kevin De Bruyne (16 gool caawin)

Leroy Sané (15 gool caawin)

David Silva (11 gool caawin)

Raheem Sterling (11 gool caawin)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close