Jose Mourinho “Ma Jirto Cid Buuxin Karta Booska Uu Ka Baxay Rui Faria”

(Man United) 13 Maajo 2018. Macalinka reer Portugal ee kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan jirin qof ku sugan caalamka ee diyaar u ah inuu noqdo macalinka ku xigeen xilli ciyaareedka soo socda, kadib bixitaanka Rui Faria oo mudo dhan 17 sano caawiye u soo ahaa.

Mourinho ayaa u sheegay “Marca” ee dalka Spain: “Rui Faria saaxiibkey wuxuu ila soo shaqeeyay mudo dhan 17 sano, wuxuu igaaga dhow yahay walaalkey”

Jose oo la weydiiyay in Michael Carrick uu yahay musharaxa uu taagan shaqadaan ayaa wuxuu yiri: “Carrick ma noqon doono No. 2, mar kale ayaan dib u habeyn doonaa, waxaa jiri doona qaab ciyaareed takhasus leh, laakiin ma jiri doono caawiye tababare, sababtuna waa in Carrick uu awood u yeesho mustaqbalka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close