Inter Milan Oo Isku Dayaysa Inay Yareeyso Qiimaha Rafinha Alcantara

(Inter Milan) 11 Maajo 2018. Inter Milan ayaa dooneysa in ay dib ula xaajooto kooxda Barcelona waxayna xiiseeneysaa in si toos ah ay kala soo saxiixato laacibka xulka qaranka Brazil Rafinha Alcantara oo si amaah ah kula jooga tan iyo bishii January ee lasoo dhaafay.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Inter Milan Piero Oselio ayaa wuxuu xaqiijiyay in sii joogitaana Rafinha Alcantara ee kooxda reer talyaani ay ku xiran tahay dhanka dhaqaalaha.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Rafinha Alcantara sida João Cancelo, waxay heleen kalsoonida cid kasta, waxaan ognahay balanqaadka aan la sameynay Barcelona, balse ilaa iyo Juun waxaa jira waqti aan ku wada hadli karno”.

Inter Milan ayaa isku dayi doonta in markale ay Barcelona la furato wada hadalo ku aadan Rafinha Alcantara, iyadoo laga war qabo in heshiiska labada kooxood dhex yiila uu qeyb ka yahay in dhamaadka xili ciyaareedkan ay Inter  si toos ah ula wareegi karta aduun dhan 35 million euro, laakiin Nerazzurri ayaa dooneysa in ay hoos u dhigto qiimaha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close