HORDHACA: Huddersfield Town vs Arsenal

( Premier League) 13 Maajo 2018. Kooxda Arsenal ayaa booqan doonta kulankeeda u dambeya kal cayaareenkan horyaalka Premier League naadiga Huddersfiefld Town.

Waa cayaartii u dambeysay uu leylin doono Arsene wenger kasoo muddo 22 sano maamulayay naadiga Gunners oo sanadkii labaad xariir ah aan kasoo qeyb galeen koobka Champions League.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 05:00 pm saacada geeska Africa

Garsooraha: Michael Oliver

Garoonka: John Smith’s Stadium

Wararka labada kooxood

Huddersfield xiddigeeda Tom Ince ayaa la rajeynayaa inuu ku lug yeesho kulankan, markii uu kasoo laabtay dhaawac balse aan la isticmaalin cayaartii bartamha asbuucii hore.

Michael Hefele, Danny Williams iyo Elias Kachunga ayaa ku jira kabasho dhaawac

Da’yarka difaaca ee Arsenal Konstantinos Mavropanos ayaa ganaaxan kadib casaankii uu qaatay kulankii Leicester.

Laurent Koscielny ayaa wajahaya waqtiga dheer ee soo kabashada dhaawaciisa, laakiin Alexandre Lacazette iyo Jack Wilshere ayaa laga yabaa inay kusoo laabtan safka uu  Arsene Wenger hogaamin doono cayaartiisa u dambeysa.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Arsenal ayaa guuldaro la’aana sagaalkii kulan ee u dambeysay oo ay dhamaan tartamada la cayaareen kooxda Huddersfield, waxa ay badiyeen 7 kulan halka ay 2 kulana barbaro gashay.

Huddersfield guushoodii u dambeysay ee Arsenal ayaa aheyd bishii January 1971 ciyaar ka dhacday garoonkooda.

Kooxda Terriers waqtigii u dambeyay oo ay marti galiyaan Arsenal waa bishii September 1993 – waxaan lagu garaacay  5-0 kulan kamid ahaa wareega labaad ee koobka League Cup iyadoo uu seddax ley kulankaas dhaliyay Ian Wright.

Kulankaan ayaa doqon doona kulankii 1235-aad uu Arsene wenger markii u dambeysay maamulo kooxda Arsenal.

Safafka Macquulkaa kooxaha Huddersfield Town vs Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close