Borussia Dortmund Oo Ku Soo Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Mario Balotelli

(Borussia) 11 Maajo 2018. Sida laga soo xigtay wargeyska “The Guardian” kooxda Jarmalka ah ee Borussia Dortmund ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee kusoo biirta kooxaha xiiseenaya lasoo saxiixashada laacibka reer talyaani ee Mario Balotelli xagaaga soo aadan.

Mario Balotelli ayaa 2 gool u dhaliyay kulankii ay kooxdiisa Nice guusha ku gaartay 4-1, wuxuuna gaaray goolkiisii 18-aad ee horyaalka Ligue 1.

Weeraryahanka reer Italy ayaa rajeynaya inuu ku laabto xulkiisa qaranka Italy, maadaama uusan wax boos ah ka helin tan iyo sanadkii 2016, iyadoo markale  la faliyo xulka inuu tababare ka noqdo Roberto Mancini.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo kale, Borussia Dortmund ayaa rajeyneysa inay la saxiixato Mario Balotelli, hadii ay dhacdo sidoo kale inay shaqaaleysiiyaan macalinka kooxda Nice Lucien Favre.

Mario Balotelli ayaa noqon doona ciyaaryahan xor ah bisha Juun, waxaana sidoo kale lala xiriirinayaa kooxaha Serie A-da ka dhisan sida Roma, Napoli iyo Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close