Arsene Wenger Oo Ku Dhawaaqay Inuu Sii Wadi Doono Shaqada Tababarka Kadib Arsenal

(Arsenal) 13 Maajo 2018. Arsene Wenger ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu sii wadi doono shaqada tababarka inkastoo uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Arsenal dhamaadka xili ciyaareedkan oo si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay.

Wenger ayaa leyliyay Arsenal kulankiisii ugu dambeeyay ay la ciyaareen Huddersfield Town, kaasoo ka tirsanaa kulamada 38-aad, kaasoo ay Gunners guul ku gaartay 1-0 uu u dhaliyay Aubameyang.

Macalinka reer France ayaa wuxuu kulanka kadib sheegay: “Waxaan hubaa inaan sii wadi doono kubada cagta, waxan qabatimay tababarka, tani waa cudur aan la daaweyn karin”.

Tababaraha Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo Arsenal dhamaadka xilli ciyaareed ka hor isbuucyo, kaddib mudo dhan 22 sano uu shaqo adag kasoo qabtay Emirates Stadium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close