Ronaldo oo hooyadiis u diiday inay tagto garoomada kubadda cagta (Ogoow sababta)!

(Madrid) 12 Maajo 2018 Maria Dolores oo ah hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ayaa daaha ka qaaday in wiilkeedu uu u diiday inay tagto garoomada kubadda cagta.

Ronaldo hooyadiis ayaa sheekadaan daaha ka qaaday kadib markii la waydiiyay inay tagayso magaalada Kiev si ay u daawato Final-ka Champions League ee xiliciyaareed kaan.

Laakiin waxay sheegtay in wiilkeedu uu u baqay caafimaad keeda maadaama caadifadeedu ay aad u sarayso isla markaana ay dhibaato la kulmayso marka uu guul daraysto wiilkeeda.

“Ronaldo wuxuu ogyahay dareenkeyga caadifadeed inuu dhibaato ii keenayo marka aan garoonka ka dhex daawanayo ciyaarta, isaga xitaa cadaadis badan ayaa fuulaya” ayeey tiri Maria Dolores.

“Sidaas darteed, wuxuu doorbidayaa inaan ciyaaraha ka daawado gurigayga, wuxuuna dhawr jeer igu yiri: “Hooyo, waxaa kuu fiican inaad guriga iska joogtid”.

“Marwalba oo uu murugaysan yahay oo uu u baahan yahay garab istaag waan la xiriirnaa si aan taageere ugu muujino oo xaaladiisa aan u dajino”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close