RASMI: Man United Oo Shaacisay In Ku Xigeynka Jose Mourinho Uu Bixi Doono Dhamaadka Xili Ciyaareedkan

(Man United) 12 Maajo 2018. Manchester United ayaa shaacisay bixitaanka kaaliyaha Jose Mourinho Rui Faria dhamaadka xili ciyaareedkan.

Rui Faria oo 42 jir ah ayaa ahaa caawiyaha koowaad Jose Mourinho ee kooxda Manchester United, wuxuu sidoo kale caawiye u soo ahaa in ka badan 17 sano.

Rui Faria ayaa wuxuu u sheegay website-ka rasmiga ah ee Red Devils: “Kadib fikiro fara badan, waxaan go’aansday in ay tahay waqtigii aan horey u socon lahaa, waxaan helay 17 sano oo waayo-aragnimo cajiib ah. Isla markaana aanan la ilaabi Karin”.

“Waxaan dareemay inay tahay in la gaaray xiliga aan in badan waqti la qaadan lahaa qoyskeyga, kahor inta aanan qabanin shaqo cusub”.

“Waxaan u mahadcelinayaa tababaraha, Jose Mourinho, kalsoonidii uu i siiyay, sanadahaas oo dhan waxay ahaayd riyo, waxaan jeclaan lahaa inaan uga mahadceliyo fursadan iyo kalsoonidan, aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa iyo waxa ugu muhiimsan ee ah saaxiibtinimada”.

“Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Manchester United, iyo dhammaan kooxaha aan mudnaanta u yeeshay inaan kasoo shaqeeyo, waxaan sidoo kale doonayaa inaan u mahad noqo ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda”.

Dhinaca kale Jose ayaa isna fariin u diray Rui Faria wuxuuna yiri: “17 sano, Leiria, Porto, London, Milan, Madrid, London markale, Manchester, tababar, ciyaaro, safar, waxbarasho, qosol, iyo sidoo kale ilmo farxad leh”.

“Waan kuu xiisi doonaa, saaxiibkay, waana wax igu adkaan doonta, laakiin farxadaadu waa tan ugu muhiimsan, waxaan ixtiraamayaa go’aankan dabcan, gaar ahaan sababtoo ah waxaan ogahay inaan mar walba wada joogi doono, farxi doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close