RASMI: Lewandowski Oo Ku Guuleystay Abaal Marinta Gooldhalinta Horyaalka Bundesliga Markii Saddexaad

(Bayern Munich) 12 Maajo 2018. Robert Lewandowski ayaa si rasmi ah u gudoomay abaal marinta gooldhalinta horyaalka Bundesliga ee xili ciyaareedkan 2017-2018.

Weeraryahanka xulka qaranka Poland ayaa ugu guuleystay abaal marintan kadib markii uu xili ciyaareedkan 30 kulan ee horyaalka Bundesliga uu kaga soo muuqday Bayern Munich ku dhaliyay 29 gool.

Lewandowski ayaa sidoo kale loo caleemo saaray abaal marintan xilli ciyaareedkii 2013-2014 kadib markii uu dhaliyay 20 gool xiligaas uu ku sugnaa kooxda Borussia Dortmund, iyo sidoo kale 2015-2016 kadib karkii uu Bayern Munich u dhaliyay 30 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close