Manuel Pellegrini Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Horyaalka Premier League Si Uu U Leeliyo Kooxdan

(England) 12 Maajo 2018. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in macalinka reer Chile ee Manuel Pellegrini uu ku dhow yahay dib ugu soo laabashada horyaalka Premier League.

Manuel Pellegrini ayaa lala xiriirinayaa inuu leeyliyo xili ciyaareedka soo aadan kooxda reer England ee West Ham.

Manuel Pellegeni ayaa khibrad sare ka heysta horyaalka dalka England ee Premier League, kadib markii uu soo leeliyay kooxda Manchester City, isla markaana uu kusoo hogaamiyay Sky Blues koobabka horyaaka Premier League iyo League Cup.

Saraakiisha kooxda West Ham ayaa waxay doonayaan in ay shaqaaleysiiyaan macalinka khibrada badan ee Manuel Pellegrini, si uu kooxda ugu hogaamiyo ka qeyb qaadashada tartamada yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close