Emmanuel Petit Oo Meesha Ka Saaray In Vieira Iyo Arteta Ay Noqon Karaan Badalka Wenger

(Arsenal) 12 Maajo 2018. Halayga kooxda Arsenal iyo xulka qaranka Farnce Emmanuel Petit ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada ay Vieira Iyo Arteta ku noqon karaan badalka Arsene Wenger.

Emmanuel Petit  ayaa wuxuu u sheegay idaacada “Monte Carlo” ee dalka France: “Vieira waxaa suuragal ah inuu noqdo xal, laakiin waxaan qabaa inay tahay xilli hore si uu u leeliyo Arsenal, sidoo kale ma arko Arteta inuu qabto shaqadan, aad ayay u fiicantahay la shaqeyntiisa Guardiola ee kooxda Man City”.

“Aniga ahaan Massimiliano Allegri shaqo fiican ayuu ka qabtay kooxda Juventus”.

Si kastaba wargeesyada ayaa waxay xiliyadii lasooa dhaafay shaaca ka qaadeen in Vieira Iyo Arteta ay qeyb ka yihiin musharaxiinta u taagannin ay Arsene Wenger ka badalaan shaqada kooxda Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close