Halyayga Arsenal Robert Pirès Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Xidiga La La Xiriirinayo Gunners Ee Thomas Lemar

(Monaco) 12 Maajo 2018. Halyayga kooxda Arsenal iyo xulka qaranka France Robert Pirès ayaa wuxuu sheegay in laacibka ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Thomas Lemar uu ka dhaqaaqi doono kooxda Monaco xili ciyaareedka soo aadan.

Robert Pirès ayaa u sheegay wargeyska “Sun” ee dalka England: “Thomas Lemar wuxuu ka dhaqaaqi doonaa kooxda Monaco kadib koobka aduunka, waxaan filayaa inuu u baahan yahay loolan cusub iyo horyaal cusub”.

“Dabcan Arsenal waxay  xiiseyneysay sanadkii hore, laakiin ma aqaano sida ay xaalada haatan tahay, gaar ahaan maadaama uusan Wenger sii ahaan doonin macalinka kooxda reer London, balse wuxuu ku haboon yahay inuu ku biiro horyaalka Premier League”.

Liverpool iyo Arsenal ayaa la rajeynayaa inay u tartamaan 22 jirkan kaasoo suuqa kala iibsiga kaga qiinmeysan aduun dhan £ 60 million, laacibka reer France ayaana heshiiskiisa kooxda Monaco wuxuu soo idlaanayaa 2020. wuxuuna iska diiday in uu markale heshiiska kor dhiyo.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close