Faahfaahin Dheeri Ah Oo Laga Helayo Xaalada Dhaawac Ee Cristiano Ronaldo Kahor Finalka Champions League

(Real Madrid) 12 Maajo 2018. Xidiga koowaad ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa kaga farxiyay jamaahiirta Los Blancos ka qeyb galkiisa finalka Champions League ee 26-ka bishan kula ciyaari doonaan kooxda Liverpool.

Ronaldo ayaa dhaawac canqowga ah kasoo gaaray kulankii El Clasico oo ay la ciyaareen kooxda Barcelona 6-dii May.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu maanta kusoo bandhigay bartiisa Twitter-ka, sawir isaga oo tababar ku qaatay kubada, wuxuuna soo raaciyay qoraal ku aadan “Wadadii soo laabashada”.

Sida laga soo xigtay wargeyska reer Catalonia Cristiano Ronaldo ayaa kasoo muuqan doona kulanka Villarreal ee 19-ka bishan May daqiiqado kooban isagoo diyaar u noqon doona kulanka Liverpool.

Zidane ayaa ka saaray Cristiano Ronaldo liiskiisa kooxda Real Madrid kulanka caawa ee Celta Vigo ee ka tirsan kulamada 37-aad ee horyaalka La Liga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close