Ernesto Valverde Oo Qarka U Saaran Rikoodh Taariikhi Ah Uu Pep Guardiola Ka Sameeyay Kooxda Barcelona

(Barcelona) 12 Maajo 2018. Ernesto Valverde ayaa ku dhow inuu gaaro rikoodh taariikhi ah ee Pep Guardiola kaga yiilay kooxda Barcelona, kaasoo ku aadan guuldaro la’aanta kulamada banaanka.

Barcelona ayaa ilaashatay silsiladeeda guuldrada la’aanta ah ee 21 kulan ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda Cump Nou kulamada horyaalka La Liga ee dalka Spain xili ciyaareedkan.

Blugarana uu hogaaminayo xili ciyaareedkan tababare Valverde ayaa waxay u jiraan kaliya laba kulan rikoodhkii taariikhiga ahaa ee Pep Guardiola ee gaarsiisnaa 23 kulan uusan wax guuldaro ah kula soo kulmin kulamada banaanka.

Barca ayaa kulamada ay kusoo ciyaartay banaanka guul gaartay 15 kulan, waxayna barbaro gashay 6 kulan kale. Laakiin kooxdii Guardiola ee Barca ayaa waxay rikoodhkan kaga fiican tahay in ay guul ku soo gaartay 18 kulan iyo 5 barbaro ah inta u dhaxeesay March 2010 ilaa iyo April 2011.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close