Ernesto Valverde Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xidigaha Kooxdiisa Barcelona Ee Kulanka Levante

(Barcelona) 12 Maajo 2018. Ernesto Valverde ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha uu kala hor tagi doono kulanka habeen dambe ee Levante, wuxuuna liiskan ka saaray xidigiisa koowaad ee kooxda Lionel Mess.

Macalinka reer Spain ayaa go’aansaday in Messi uu nasiino u diro kulankan, inkastoo xidiga reer Argantina uu ku jiro dagaalan xoogan ee ku aadan kabta dahabka xili ciyaareedkan.

Sidoo kale waxaa liiskan aanu kusoo bixin xidigaha kale Alex Vidal oo xaalad farsamo ku maqan, Sirgi Robert iyo Umtiti oo ku kala maqan ganaax iyo dhaawac.

Hadaba Liiska Xidigaha Kooxda Barcelona Ee Kulanka Levante:

Goolhayayaasha: Ter Stegen, Jasper Cillessen.

Difaaca: Jordi Alba, Nelson Semedo, Gerard Pique, Thomas Vermaelen, Lucas Digne, Yari Mena.

Khadka Dhexe: Sergio Busquets, Ivan Rakatic, Paulinho, Andres Iniesta, Coutinho, Denis Suarez, Andre Gomes.

Weerarka: Luis Suarez, Ousmane Dembele, Paco Alcacer.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close