Cristiano Ronaldo oo Real Madrid ugu Goodiyay in haddii Lionel Messi…

(Europe) 12 Maajo 2018. Cristiano Ronaldo ayaa Filim Cabsi leh u daaray Real Madrid xilli uu soo dhawaaday Final ka Champions League ay dabayaaqada bishan la yeelan doonaan Liverpool.

Xiddiga reer Portugal ayaa la warinayaa inuu Los Blancos ugu goodiyay inay mushaarkiisa sare u qaadaan isla markaana ay ka daba geeyaan Messi ama uu kooxda ka tagi doono.

Real Madrid ayaa u hanqal taageysa inay markii saddexaad oo xiriir ah ku guuleysato Champions Leauge balse Ronaldo ayaa la sheegayaa inuu buuq ku furay kooxda ka hor Finalka tartanka.

Natiijada sawirka Ronaldo and Messi sellary

Diario Gol ayaa warinaya in CR7 uu markale kooxda ugu goodiyay inuu ka tagi doono haddii mushaarkiisa sare loo qaadi diido.

Messi ayaa iminka ah laacibka ugu mushaarka badan kubbad cagta isagoona usbuuciiba jeebka ku shugtay 500,000 oo bound.

Diario Gol ayaa sheegneysa in Ronaldo uu doonayo in mushaarkaas oo kale la siiyo haddii uu Liverpool uga soo dhiciyo Champions League ama uu ka tagi doono.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close