Coutinho oo ka war helay go’aanka Real Madrid ee ku aadan Neymar iyo Maxamed Saalax

(Europe) 12 Maajo 2018. Philippe Coutinho ayaa la warinayaa inuu ogaaday go’aanka Real Madrid ee ku aadan saxiixda Neymar iyo Maxamed Saalax maadaama uu labada laacib saaxiib la yahay.

Madaxwaynaha Los Blancos Florentino Perez ayaa si cad u muujiyay rabitaankiisa ku aadan inuu kooxda keeno Nemar iyo Saalax, wuxuuna rajeynayaa inuu weerarka kula lamaaniyo Ronaldo si uu halkaa ugu soo boxo weerar aan la joojin karin.

PSG iyo Liverpool ayaa dabcan lacago qaali ah ku dalban doona xsiddigahooda, wararka ka imaanaya Spain ayaana tibaaxaya in Real Madrid laga yaabo inay awoodo inay midkood uun la saxiixato.

Coutinho and Salah

Diario Gol ee ka soo baxa Spain isl amarkaana ku caanka ah wararka suuqa kala iibsiga ayaa warinaya in kooxda Zidane ay go’aan ka gaartay midkii ay la wareegi lahayd labada laacib.

Wararka ayaa soo jeedinaya in xiddiga Barcelona ee Philippe Coutinho ee saaxiib dhow la ah labada laacib uu ogoaaday u jeedada Real Madrid.

Kaddib markii uu la hadlay Maxamed Saalax, xiddiga reer Brazil ayaa ogaaday in camaaliqada La Liga ay mudnaanta koowaad siin doonto Neymar.

Laakiin waxay tartan xoogan kala kulmi doonaan kooxaha ka wada dhisan Manchester ee United iyo City oo dhankooda ka doonaya laacibka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka.

Diario Gol ayaa intaa ku dartay in Pep Guardiola uu isku diyaarinayo inuu si lama filaan ah ugu soo dhaqaaqo Neymar.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close