Jurgen Klopp oo magacaabay tababaraha sanadka ee Premier League

(Liverpool) 11 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa magacaabay tababaraha sanadka ee horyaalka ingiriiska.

Jurgen Klopp ayaa si cad u sheegay in Pep Guardiola uu yahay shaki la’aan tababaraha u qalma abaal marinta sanadka ee Premier League.

Pep Guardiola ayaa farta ka saaray kooxdiisa Manchester City koobka Premier League kadib xili ciyaareed cajiib ah oo kooxdiisu ay soo bandhigtay.

Klopp oo ka hadlay abaal marinta tababaraha sanadka horyaalka ingiriiska ayaa yiri:

“Waxaan rumaysanahay in tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola uu u qalmo inuu ku guulaysto abaal marinta tababaraha sanadka ee Premier League”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close