Wenger oo daaha ka qaaday hal arin oo uusan ugu xiisi doonin horyaalka ingiriiska

(London) 10 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa daaha ka qaaday hal arin oo uusan ugu xiisi doonin horyaalka ingiriiska.

Arsene Wenger ayaa ka tagaya kooxda Arsenal dhamaadka xiliciyaareed kaan, wuxuuna sheegay inuu u xiisi doono wax walba oo ku saabsan ingiriiska.

Laakiin tababaraha reer France ayaan la dhacsanayn shaqada garsoorayaasha horyaalka ingiriiska, wuxuuna cadeeyay inuusan iyaga u xiisi doonin.

Wenger oo u muuqday mid ka caraysan qaabkii garsooruhu uu xalay uga eexday kooxdiisa ayaa yiri:

“Wax yaabo badan ayaan u xiisi doonaa marka aan baxo kadib, laakiin garsoorayaaha ingiriisku qayb kama ahan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close