“Waa doqon masayrsan” – Wakiilka Ozil oo si xun u bahdilay halyeey horay u soo maray Arsenal

(London) 10 Maajo 2018 Wakiilka laacibka Arsenal ee Mesut Ozil ayaa weerar aan caadi ahayn ku qaaday halyeeygii hore ee Gunners Martin Keown.

51 jirkaan reer ingiriis ee Martin Keown ayaa marwalba eedeeya Ozil xili uu ka mid yahay falanqeeyayaasha kubadda cagta ingiriiska.

Martin Keown ayaa ku tilmaamay Ozil kulankii Atletico Madrid mid aan u qalmin inuu xirto funaanada kooxda Arsenal taas oo ka caraysiisay wakiilka laacibka.

Image result for martin keown Ozil

“Waxaan rumaysanahay in Martin Keown uu dareemayo inuu ciyaari jiray kubadda cagta taasina xaq uma siinayso inuu weeraro jiilka haatan ciyaara” ayuu yiri Dr. Erkut Sogut.

“Waxaa suurogal ah inuu wali rabo inuu noqdo mid muuqda ama waa suurogal inuu ka masarysanyahay, ma wuxuu ka xunyahay dhaqaalaha iyo saamaynta ay leeyihiin ciyaartoyda haatan”.

“Balse haddii aad fariisato oo aad eedeyso, oo eedeyso, oo eedeyso marar badan, waxay noqonaysaa xoogaa wax lagu caajiso”.

Wakiilka Ozil oo dareensiinayay Martin Keown inuu ahaa laacib eber ah ayaa yiri:

“Martin Keown keydley ayuu ka ahaa Arsenal ilaa markii dambe uu u dhaqaaqay Everton iyo Aston Villa waayo ma ahayn laacib fiican”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close