Shax laga sameeyey 11-kii xiddig ee ugu waa-weynaa oo uu kooxda Arsenal ku soo leyliyey tababaraha tagaya ee Arsene Wenger

(London) 10 Maajo 2018. Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ku dhawaaqay inuu isaga tagi doono shaqada kooxda Gunners dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Kaddib 22-sanadood oo uu soo maamulayey kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London isla markaana uu u qaaday saddex koob oo Premier League ah mudadii uu ku kala sugnaa garoomada Highbury iyo Emirates ayaa shaaciyey inuu faarujin doono Kursiga looga arrimiyo kooxda Arsenal.

Haddaba Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa shax ka sameysay 11-kii ciyaaryahan ee ugu waa-weynaa oo uu ku soo leyliyey kooxda Arsenal tababaraha reer France ee Arsene Wenger kaasoo shaqada Gunners isaga tagaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga waa weyn sida Thierry Henry, Bergkamp, Freddie Ljungberg, Gilberto Silva, Patrick Vieira iyo Ashley Cole ayaa ka soo muuqday shaxdan.

Hoos ka eeg shaxdan oo ay soo saartay shabakadda Goal.com:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close