Messi oo xalkaan u soo jeediyay Ousmane Dembele si uu u sii joogo kooxda imaanshaha Griezmann kadib

(Barcelona) 10 Maajo 2018 Waxaa la baahiyay in Barcelona ay qarka u saaran tahay ku dhawaaqida saxiixa Griezmann ka hor koobka adduunka.

Imaanshihiisa ayaana shaki galinaya mustaqbalka Ousmane Dembele ee kooxda Barcelona kaas oo haatan ay isku diyaarinayaan kooxo badan inay dalab ka gudbiyaan.

Image result for Dembele Griezmann

Laakiin Messi ayaa isku dayaya in Ousmane Dembele uu ku qanciyo inuu sii joogo Camp Nou xiliciyaareedka dambe xitaa haddii uu yimaado Griezmann sida ay baahisay Don Balon.

Messi ayaa u sheegay Ousmane Dembele inuu ogolaado inuu kooxda u noqdo badalka koowaad ee kulan walba, isaga oo sidoo kale ku soo bilaabanaya kulamada qaar ee xiliciyaareedka dambe.

Lionel Messi ayaa u arka in weerarka Barcelona uu noqonayo xiliciyaareedka dambe Suarez iyo Griezmann, halka Ousmane Dembele uu ku qancinayo haatan inuu aqbalo inuu ahaado badalka ugu horeeya ee la isticmaalo kulan walba.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close