LA OGAADAY: Wayne Rooney Oo Ku Dhawaaday Inuu Xirto Maaliyada Kooxda Barcelona

 (Everton) 10 Maajo 2018. Weeraryahanka kooxda Everton ahna xidigii hore kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa shaaca laga qaaday in uu ku dhawaaday ku biirirsta kooxda Barcelona sanadii 2013.

Wargeyska “Mondo Deportivo” ayaa wuxuu daboolka ka qaaday Rooney ayaa xiiseenayay ku biirista kooxda Barcelona, kadib markii uu adeegiisa dalbaday Tito Vilanova oo xiligaas macalinka ka aha kooxda reer Catalonia.

Wargeyska ayaa sheegaya in Barcelona uu yimid xiligaas xiisaheeda ku aadanaa Rooney ka dib markii ay soo baxeen warar ku aadan inuu doonayo ka tagista garoonka Old Trafford.

Laakiin caqabada ugu weyn ee Barcelona ayaa waxay xiligaas kala kulantay Bayern Munich uu hogaaminayay Pep Guardiola, kaasoo sidoo kale doonayay ciyaaryahanka, wuxuuna ka gudbiyay aduun dhan 35 milyan oo euros si uu qeyb kaga dhigo qorshihiisa kooxda reer Germany uu xiligaas maamulaha ka ahaa.

Laakiin ugu dambeyntii Rooney ayaa go’aansaday inuu iska sii joogo Red Devils, ilaa uu kaga biiray Everton, xagaagii lasoo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close