Kooxaha ka dhacay heerka Koowaad ee Somalia Premier League, Kuwa soo dalacay, naadiyada  ciyaaraya Janeraal Daa’uud iyo…..(XOG MUHIIM AH)

(Muqdisho) 10 Maajo 2018.  Kooxda Heegan ayaa soo gaba gabayn doonta horyaalka Soomaaliya iyadoo kullan xiiso badan la ciyaari doonta kooxda Waxool.

Naadiga uu hoggaamiyo Yuu Cali ayaa xaqiijisay hanashada horyaalka,waxaana kaalinta labaad gashay kooxda Banaadir.

Yaa u dhacay heerka Labaad.

Sida sharciga ah labada kooxood ee ugu hooseeya horyaalkeena ayaa ka dhaca heerka koowaad.

Xilli ciyaareedkaan waxaa xaqiijiyay in ay laabteen kooxaha Waxool iyo Betroolka oo huban magacyo aad u waawayn.

Yaa ka soo dalacay heerka Labaad.

Naadiga  Midnimo ayaa 14 sanno kaddib ku soo laabatay heerka koowaad,waxaana kooxda u harsan hal kullan oo haddii ay badiso xaqiijin doonta hanashada horyaalka.

Sidoo kale kooxda Muqdisho United ayaa ka xigta kaliya hal dhibac in ay xaqiijiso u soo bixitaanka heerka koowaad xilli ciyaareedka billaaban doona.

Tartanka Star League.

Tartankaan ayaa markii ugu horaysay lagu qaban doonaa dalkeena waxaana xiriirka kubadda cagta Soomaaliya  ay u qorsheeyeen in ay ka qayb qaataan lixda kooxood ee ugu saraysa.

Kooxaha ka qayb qaadan doona

Dekedda,Banaadir,Heegan,Horseed,Elman, iyo midkood Jeenyo, Gaadiidka iyo Madbacadda oo lagu kala saari doono farqiga goolasha mahadaama ay isku dhibco yihiin.

Koobka Janeraal Daa’uud.

Koobka Jeneral Daa’uud, waxaa uu ka mid yahay tartamada sanadlayaasha ah ee uu qabto xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, waxaana loo qabtaa in lagu xusuusto Aabihii Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jeneral Daa’uud Cabdulle Xersi, oo ahaa aas aasihii xooga dalka Soomaaliya.

Tartanka ayaa waxaa ka qayb qaata siddeeda kooxood ee ugu sarraysa horyaalada heerka koowaad iyo heerka labaad ee dalkeena.

Kooxaha ciyaari doona Janeaal Daa’uud.

Heerka koowaad: Dekedda,Banaadir,Heegan,Horseed,Elman, Jeenyo, Gaadiidka iyo Madbacadda.

Heerka labaad:Midnimo,Muqdish United,Rajo,Raadsan,Saxafi,Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ayaa xaqiijiyay in ay ciyaari doonaan koobka Janeraal Daa’uud.

Saddexda kooxood ee kala ah Jamhuuriya,Badbaado iyo Umah Hospital ayaa dhankooda laga doonayaa  hal koox mahadaama ay isku dhibco dhawyihiin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close