Kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Laacibkan

 (Spain) 10 Maajo 2018. Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaalamaya saxiixa xidiga muhiimka ah ee ree France iyo kooxda Sevilla Clément.

Sida laga soo xigtay raadiyaha Isbaanishka RAC, Barcelona ayaa daawaneysa daafaca Seville Clément Lenglet si uu u xoojiyo kooxda reer Catalonia inta lagu jiro xilliga xagaaga.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Barcelona Roberto Fernández ayaa wuxuu daawaday kulankii xalay dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Sevilla, si ay u daawadaan qaab ciyaareedka daafacan.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa iyadana dhankeeda ka fikireysa lasoo saxiixashada xidiga kooxda Sevilla Clément Lenglet. Kadib dhaawacyada joogtada ah ee Jesús Vallejo iyo Raphaël Varane.

Qiimaha lagu kansali karo heshiiska Clément Lenglet ee kooxda Sevilla ayaa gaarsiisan aduun dhan 30 milyan euro, lacagta ayaa ku kordhi karya aduun dhan 15 milyan euros wixi ka dambeeya 1-da July.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close