Cristiano Ronaldo Iyo Dani Carvajal Oo Waqtiga La Dagaalamaya Kahor Kulanka Finalka Champions League

 (Real Madrid) 10 Maajo 2018. Cristiano Ronaldo iyo Dani Carvajal ayaa waxay ka shaqeenayaan sida ay qeyb kaga noqon lahaayeen kulanka Finalka Champions League, waxayna si gooni ah u qaadanayaan labadan xidig tababarka.

Ronaldo ayuu dhaawac dhanka canqawga  kasoo gaaray kulankii El Clasico ee kooxda Barcelona, kadib markii uu dhaliyay goolkii barbaraha ee ciyaarta daqiiqadii 15-aad Zidane ciyaarta ka saaray qeybta labaad.

Dhinaca kale Dani Carvajal ayaa isna ku dhaawacmay kulnkii Bayern Munich ee lugta hore wareega afar dhamaadka tartanka Champions League ay kooxda Real Madrid guul 2-1 ah ku soo gaartay garoonka Allianz arena.

Marka laga soo tago labadan xidig ee si gooni ah tababarka u qaadanaya, dhamaan xidigaha kale ee kooxda ayaa waxay si buuxda kaga qeyb qaadanayaan tababarka guud ee kooxda.

Gareth Bale ayaa ku soo laabtay kooxda kadib markii uu ilmo dhashay dhawaan, sidoo kale Isco isna kaasoo laabtay dhaawac kasoo gaaray kulankii Bayern Munich ee Allianz Arena.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close