Atletico Madrid oo bilowday qaabkii ay ku soo ceshan lahayd Sergio Aguero

(Madrid) 10 Maajo 2018 Atletico Madrid ayaa bilowday qaabkii ay dib ugu soo ceshan lahayd weerar yahankeedii hore ee Sergio Aguero sida ay baahisay Marca.

Kooxda tababare Diego Simeone ayaa u aragta Sergio Aguero badalka ku haboon ee Griezmann kaas oo ku sii jeeda Barcelona suuqa xaggaagan.

Wakiilo ka socda kooxda Atletico Madrid ayaa xiriir dhab ah la bilaabay Sergio Aguero, laakiin laacibka ayaa hakiyay wadahadalada la xiriira mustaqbalkiisa ilaa uu ka dhamaanayo koobka adduunka.

Dib u soo celintii Diego Costa kadib, Atletico ayaa haatan rumasan inay dib u soo ceshan karto Sergio Aguero kaas oo ay u badan tahay inuu ka tagi doono Man City dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close