Wargeyska “Marca” Oo Ka Warbixiyay Xaalada Cristiano Ronaldo Iyo Xiliga La filayo Inuu Dib U Soo Labto.

(Real Madrid) 09 Maajo 2018. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday xaalada Cristiano Ronaldo, kadib dhaawacii kaso gaaray kulankii El Clásico ee kooxda Barcelona kasoo kusooidlaaday barbaro 2-2.

Cristiano Ronaldo ayuu soo gaaray dhaawac dhanka canqowga ah kadib markii uu dhaliyay goolkii barbaraha ee kulankii El Clásico ee kooxda Barcelona, wuxuuna Zinedine Zidane ku qasbanaaday inuu ku badalo Lucas Vázquez.

Wargeyska ayaa ku sheegay warbixintiisa in Ronaldo uusan qabin dhaawac halis ah, maadaama natiijada baaritaanadii uu maray ay muujiyeen in uu qabo dhibaato yar oo ka soo gaaray dhanka canqowga.

Zidane ayaa ka saaray Ronaldo inuu ciyaaro kulanka Sevilla ee dhawaan la ciyaari doono, islamarkaana uusan halis gelin doonin sidoo kale kulanka Celta Vigo Axada

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Ronaldo uu si buuxda u soo kabsanayo, wuxuuna diyaar u noqon doonaa kulanka finalka ee Champions League 100%, hadii aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin tababarka kooxda.

Wargeyska reer Spain ee “Marca” ayaa wuxuu xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo uu doonayo in uu ciyaaro kulanka ugu dambeeya ee horyaalka La Liga ay Real Madrid kula ciyaari doonto kooxda Villarreal 20 bisha May waana Lix maalmood kahor kulanka finalka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close