“Waan Necbahay midkaan.”. – Yaya Toure oo Daaha ka rogay Xiddiga uu ugu NECEB yahay inuu ka hor yimaado

(Manchester) 09 Maajo 2018. Yaya Toure ayaa ka tagi doona Manchester City marka uu dhammaado xilli ciyaareedka kaddib waqti qurxoon uu la soo qaatay.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa caawa loo sameyn doonaa Macsalaameyn wayn kulanka ay Man City ku wajaheyso Brighton & Hove Albion.

Yaya ayaa mar la waydiiyay xiddiga uu ugu necbaa inuu ka hor yimaado ku sheegay Nemanja Matic xiddiga qadka dhexe ee Manchester United.

“Waan Necbahay isaga.” Toure ayaa sidaa yiri mar uu ka hadlayay Matic.

“Waa ciyaaryahan ay adag tahay in lala ciyaaro. Dheer isla markaana xoogan.

“Madadaalo ayay ahayd in lala ciyaaro isaga inkastoo ay adag tahay. Waa mid xoogan oona dheer.

“Way yaryihiin in la helo ciyaartooy I joojisa marka ay ila ciyaarayaan, laakiin Matic wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu soo dhow kuwaa oo awooda inay dhibaato I gaarsiiyaan.

“Wuu carari karaa, wuu difaacan karaa wuu dagaalami karaa. Waa ciyaaryahan aad iyo aad u fiican.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close