Villarreal oo caawa hadiyad u diyaarisay kabtan Andres Iniesta

(Barcelona) 09 Maajo 2018 Kooxda Villarreal ayaa caawa u martin doonta kooxda Barcelona kulan ka tirsan isbuuca 36-aad ee La Liga.

Villarreal ayaa si rasmi ah barteeda Twitter-ka ugu xaqiijisay inay marin sharafeed u samaynayso caawa kooxda Barcelona oo hanatay horyaalka Spain xiliciyaareed kaan.

Waxayna intaa ku dartay in ay go’aansadeen inay si gaar ah u sharfaan kabtanka Barcelona ee Andres Iniesta maadaama uu ka tagayo kooxda.

Villarreal ayaa sheegtay in Iniesta uu ku mutaystay hadiyadaas xirfadiisa iyo maqaamka sare ee uu haatan ka taagan yahay kubadda cagta Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close