Tababaraha Barcelona oo ka hadlay eedeyntii Ramos uu u jeediyay Messi kulankii El-Clasico

(Barcelona) 09 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka hadlay eedeyntii Sergio Ramos uu u jeediyay Messi kulankii El-Clasico.

Kabtanka Real Madrid ayaa saxaafada si cad ugu sheegay in Lionel Messi uu cadaadiyay garsooraha isla markaana uu si gaar ah ugu la hadlay halka looga soo baxo garoonka.

Image result for Valverde Ramos Messi

Ernesto Valverde ayaa sheegay inuusan fahmayn sababta ka danbaysa hadalada nuucaas ah, wuxuuna intaa ku daray inuusan jirin shaqsi ku dhiiran kara inuu saxaafada u sheego warka nuucaas ah.

“Ma fahmayo hadalada nuucaas ah” ayuu yiri tababare Ernesto Valverde oo la yaaban wararka sheegaya in Messi uu handaday garsooraha.

“Ma jiro qof xaq u leh inuu ka hadlo arimahaas, shaki kama qabo garsooraha ciyaarta, laakiin garsoorayaashu waxay garoonka u joogaan inay la hadlaan ciyaartoyda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close